Wasiirka Xanaanada Xoolaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo Ka Daahfuray Mashruuca Daweynta Xoolaha.

October 20, 2019 (AO) – Mukhtaar Maxamed Guuleed  Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay ka Daahfuray Mashruuca Daweynta Xoolaha, kaas oo Loogu talagalay in lagu ogaado Xaaladaha Cafimaad ee Xoolaha deegnada

Wasiir Muqtaar Max’ed Guuled  ayaa Sheegey in Mashruucan ay ka faa’ideysan donaan ilaa iyo 100 qoys oo Dadka Danyarta ah si loogu daweeyo xoolahooda, isagoo intaa ku darey in Mashruucan ay iska Kaashanayaan Hay’adda Save The Children iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed .

 

Wasiirka ayaa Tilmaamay in ka Warqabka Cafimaadka Xoolaha ay Tahay Muhiimada Kowaad ee Wasaaradu ay Leedahay Waxaana u Sheegey iney Goantahay inay ku Dadaalan Sidii ay Ula Dagaalami lahayeen Caafimad darada Soo wajaha xoolaha.

Wasiirka guuled  ayaa udu dambeyn baaq u diray dhamaan Hay’adaha Arimaha Xanaanda Xoolaha ka Shaqeeya iney wasaaradu si tos ah ula soo xiriiraan wazaarada .

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com