Al-Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanka Bed-Alamo.

0
2

October 21, 2019 (AO) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saakay  ay dagaal kula wareegeen deegaan u dhow degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, kaasi oo u dhexeeya xadka soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid kooban oo dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, waxaana uu sigaar ah ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Bed-alamo oo kaabiga ku haya xuduudka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Dagaalka kadib ayaa Al-shabaab waxaa ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo markii hore ay ku sugnaayeen Ciianka Jubbaland, hayeeshee markii dambe ay isaga baxeen Saldhigyadii ay halkaas ku lahaayeen.

 

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Dhoobleey.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Saldhigii Ciidanka Jubbaland ee deegaanka ay ka qaateen saanado hub ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Weli ma jiro wax war ah oo ka baxay Sraaakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in shabaab ay la wareegeen deegaanka Bed-alamo oo hoostaga Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay isaga baxeen deegaanka Bed-alamo ee hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com