DENI OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAAL CUSUB

October 21, 2019 (AO) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayuu madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari.

sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyayaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com