Dhageyso :-CIIDAMO KA TIRSAN DARAAWIISHTA PUNTLAND OO TABABAR LOO SOO XIRAY :- (Sawiro)  

October 21, 2019 (AO) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, sareeye gaas, Yaasiin Cumar Dheere, ayaa maanta xarunta taliska ciiddanka difaaca Puntland ee 54-aad, tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan daraawiishta.

Tababarkaan oo socday ku dhawaad bil, ayaa ciidamada loo tababarayay tabta dagaalka, sancada hubka nuucyadiisa kala duwan, difaacida xuquuqda dadka iyo macluumaadka baarista qaraxyada.

Ujeedadu loo tababaray waxay ahayd in kor loo qaado tayaynta ciidamada Puntland, iyadoo laga duulayo siyaasada madaxweynaha Puntland ee ku salaysan dhisida iyo horumarinta awooda ciidamada Puntland.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, sareeye gaas, Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay ciidamadaan maanta la tababaray inay qaateen tababar xirfadeed nuucii ugu horeeyay ee la bixiyo.

Taliyuhu wuxuu sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay diyaar garowga tababarka guud ee ciidamada Puntland iyo dugsiyadii lagu tababari lahaa ciidamadaas oo qeyb kamid ah dhowaan xariga laga jarayo.

In ka badan 500 askari, ayuu taliyuhu sheegay inay haatan ku xaraysan yihiin xerada tababarka Xorgoble ee degmada Qardho.

 

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com