Dhageyso :-Xubin Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Lagu Dilay Deegaanka Cali Fooldheere

October 21, 2019 (AO) – Xubin ka tirsanaa xarakada alshabab ayaa la dilay ka dib markii Ciidamada Xoogga dalka howlgal ka sameeyeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka  shabeelaha dhexe .

Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Kabtan, Cali Yuusuf Macallin (Cali xuubey) ayaa sheegay in qofk la dilay  lagu magacaabo Shariif Maxamed Abuukar uu dhibaato xoogan ku haayay shacabka ku nool deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in askari ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka uu howlgalkaan fuliyay,isagoo tilmaamay in horjoogaha oo xilligaas ku sugnaa Saldhiga deegaanka uu ku dilay, maleeshiyadi ilaalada u eheydna  uu dhaawacay.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com