Banaanbax balaaran oo ka socda Magaaladda Kismaayo

October 21, 2019 (AO) – Wararka an ka helayno  Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ay dhigayaan Shacabka Magaaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay in ay  ka xun yihiin dil xalay halkaasi loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaannada Jubbaland.

Banaan baxayaasha ayaa waxaa ay dalbanayaan in, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka, iyaga oo sheegay in dilkaasi uu yahay mid siyaasadeysan oo aysanb ka dambeyn Al-Shabaab.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com