Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa Magacaabay Wasiiro cusub

October, 21, 2019 (AO) – Wararka ka imaanaya Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa sheegeya in Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku-xigeenno.

Warqad Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa u dhignaa siddan :-

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Wuxuu xeeriyey:

Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin:

  1. Wasiiru-Dowleyaal:
  2. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  3. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
  4. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  5. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Wasiir Ku-xigeeno :
  7. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
  8. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  9. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  10. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.
Sidoo kale madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed halka guddoomiyaha gobolka Gardafuu uu u magacaabay Muuse Saalax Guulleed.