Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka oo aan weli la aasin.

October 21, 2019 (AO) – Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan Ciidanka  Kumaandoosta Ciidanka xoogga dalka ayaa habeenkii 3aad baryay, iyadoo aan la aasin, ka dib markii uu muran ka dhashay sababta loo dilay.

 

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay in Taliyaha iyo ilaaladiisa loo dilay si ku tala gal ah, isla markaana ay dowladda ka dalbanayaan faah faahin rasmi ah.

Kulan dhex maray Ehelada iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, waxaana ay ku dhaliileen Wasiirku inuu la soo xiriiray 24 saac ka dib geerida wiilkooda, isla markaana markii ay weydiiyeen cida ka dambeysay dilkana uusan siinin jawaab aysan ku qancaan.

Ehelada Marxuum Maxamed Suleeman Abuukar ayaa sheegay askartii loo xiray habeenkii uu falka dhacay aanay aheyn kuwii dilka geystay.

Hase ahaatee maalintii labaad ayaa la sheegay in la xiray labo qof oo kale oo ka mid ahaa Ilaalada Hotelka Maa’ida ee Ex Naasahablood 2 oo uu leeyahay Wasiirka Amniga Islow Ducaale, waxaana lagu eedeeyay Ilaalada Hotelka inay qeyb ka ahaayeen is rasaaseynta goobta ka dhacday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askarti ilaalada ka ahayd Hotelka ay u sheegeen baarayaasha Kiiska in aysan wax ku lug ah ku laheyn dilka, isla markaana rasaasta ay ka timid dhanka taalada xaawo taako ka timid, halkaasoo Koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka ilaaladda Madaxtooyada.

Xaaladaha ka dhashay falkii lagu dilay Gaashaanle Maxamed Saleemaan, iyo dooda ay qabaan eheladiisa ayaa u muuqata mid aan xal laga gaarin, inkastoo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kulan la qaatay ehelada marxuumka uu ka codsaday in la aaso, balse ay reerku diidan yihiin illaa caddeyn buuxda laga helo in aanay aasi doonin.