SACIID DANI OO MAGACAABAY WASIIRU-DOWLAYAAL IYO WASIIR KU-XIGEENO

October 21, 2019 (AO) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowlayaal  iyo Wasiir Ku-xigeeno.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Wuxuu xeeriyey:

Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin:

 

  1. Wasiiru-Dowleyaal:
  2. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  3. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
  4. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  5. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Wasiir Ku-xigeeno :
  7. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
  8. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  9. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  10. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com