Wasiir Maareeye  “Warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood heshiis ayay kula jiraan Argagixisada, dhiirrigelin ayay u sameeyaan.”

October 21, 2019 (AO) – Warkan ayaa waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan badqabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eedeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka.

Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eedeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Maareeye ma uusan yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eedaymaha ka dhanka ah warbaahinta

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay in ay soo saarto  go’aaan mideysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakin ma uusan faahfaahinin arintaasi.

Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aysan buun buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eedeynayay in ay caburin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Hadalka Maareeye ayaa imanaya ayada oo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runta ka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com