October 21, 2019 (AO) – Wafdi uu hogaaminayo wasiir wazaaradda caafimaadka dowlad Goboleedka konfur Galbeed Soomaaliya Mudane maxamed cusmaan ayaa Maanta gaaray Magaala Marka ee Gobolka Shabeelada hoose .
Wafdiga ayaa waxay isugu jiran Mas’uuliyiin ka Socda wasaaradda arimaha gudaha fedraalka Soomaaliya iyo shaqaalaha Wasaaradda arimaha gudaha oo ugu horeeyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo Dib u Heshiisiinta dowlaad Goboleedka konfur Galbeed Mudane Mahaad Mohamed Ciise Lataliye wazaarada Abdirasaq yare .
Sidoo kale wafdiga waxaa qayb ka ah wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka konfur galbed iyo wasiir ku xigeenka maaliyada
Mahaad Mohamed Ciise wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo Dib u Heshiisiinta dowlaad Goboleedka konfur Galbeed ayaa la hadlay warbaahinta kana warbixiyay ujeedka wafdigan usoo gaaren magalada marka .
Maalmaha ay Joogan wafdigan magalada Marka ayaa lagu in ay u kuur galan Baahiyaha ka jira dhamaan degaanada Hoos yimada degmada Marka ee gobalka shabeelaha hoose .
Warar Sugan Kala Soco awdinle.com