Dhageyso:-Xarun lagu Sameeyn Jiray Dukumintiyo Been Abuur Ah Oo La Xiray

0
2

October 21, 2019 (AO) – Maanta waxaa albaabada la isugu laabay Xarun lagu sameynayay Dukumintiyada been abuurka ah taas oo ku taalla mid kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xaruntaas oo ku taalla agagaarka Isgoyska km4 ayaa waxaa tegay guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle,waxaana Maamulka gobolk ay sheegeen in lagu sameynayay Dukumintiyo been abuur ah.

 

Ibraahim Cumar Mahadalle Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in Xaruntaan ay isticmaaleysay Dukumiintiyo been abuur ah oo ay ku dhegan tahay warqada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan Xarumo kale oo sidaan oo kale ah loogu sameeyo Dukumintiyada been abuurka ah,isla markaana hadii ay arkaan Maamulka gobolka Banaadir tallaabo ka qaadi doonaan.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com