Ahlu-Sunna Oo Guddi Cusub U Magacaawday Doorashada Galmudug

October 22, 2019 (AO) –

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug.

Guddiga uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa ka kooban 11-xubnood,kuwaasi oo la sheegay in lagu saleeyay hehsiiskii ay horey u wada galeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljameeca.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay Magacaawaday Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug,kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood

Si kastaba Galmudug ayaa haatan yeelaneysa laba Guddi farsamo oo soo dhisaya Galmudug,kadib markii Sheekh Shaakir uu magacaabay Guddi kale.

Hoos ka Akhriso Warqada Magacaabista.