Al-Shabab oo sheegatay in ay ka dambeysay Doontii Degtay ee ay la socdeen Ciidanka Xoogga

October 22, 2019 (AO) – Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in Doonidii waday Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Habeen hore ku qalibantay Xeebaha Magaalada Marka ay iyaga ka dambeeyeen.

War ka soo baxay AL-shabaab ayaa lagu sheegay in Doonta ay la socdeen Ciidamada ay weerareen Ciidankooda islamarkaana ku dhufteen Qoriga Baasuukaha sidaasna ku degtay.

Waxaa kale oo ay sheegeen in goobtaas ay ku geeriyoodeen Afar Askari, islamarkaan Askartii kale ay Dabaasheen sidaasna lagu badbaadiyay.

Al-shabaab ayaa horay u go’doomisay Waddada isku xirta Marka iyo Muqdisho,waxaana ay jidka geliyeen miinooyin iyaga oo sidoo kale dhowr jeer weerarro ku qaaday Ciidamo halkaas marayay.

Saraakiisha ugu badan ee ku dhintay Waddada isku xirta Marka iyo Muqdisho ayaa waxaa ay ahayeen kuwii hoggaaminayay qeybta 12ka April ee Milatariga Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wali war rasmi ah kama soo saarin doonta ay ciidamada 14ka October la socdeen ee Badda ku degtay.

Warar dalka iyo dibadda kala soco

Www.awdinle.com