Dhageyso :-Dowladda Somaliya Oo War Kasoo  Cabsida Laga Qabo Fatahaadaha Webiyada Dalka

October 22, 2019 (AO) – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa Maanta waxaa uu ka hadlay Fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ku sameynayo qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Wasiir Maareeye oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Cabsi badan ka qabto Fatahaadaha ay sameenayan Webiyada Shabeelle iyo Jubbaba ee mara deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Wasiirka ayaa  tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka walaacsantahay saameynta Fatahaadaha Webiyada,isagoona sheegay in meelaha ugu badan ee Cabsida ka jirto ay kamid ah yihiin Jowhar, Deegaanka Owdiinle iyo Magaalada Baardheere iyo deegaano kale.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayuu shacabka dega hareeraha Webiyada ugu baaqay inay galaan feejignaan dheeraad ah.

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi ka qaba in xaaladdu ku sii xumaato.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com