Dhageyso :- GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND OO LA KULMAY SIYAASIYIINTA DEEGANADAS

October 22, 2019 (AO) – Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland (TPEC), ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay, xubno ka tirsan siyaasiyiinta Puntland oo qaarkood hore xilal uga soo qabteen Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Cabdinuur Sheikh Maxamed Isxaaq  Af-hayeenka guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland, oo markii kulankaasi dhammaaday saxaafadda uga warbixiyay, ayaa sheegay in guddigu siyaasiyiinta ay la kulmeen ay u bandhigeen hawlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan, si loo hirgeliyo barnaamijka xisbiyada badan ee loo xilsaaray.

 

Waxa kale oo uu sheegay, in siyaasiyiintu ay talooyin la xiriira hirgelinta barmaamijka xisbiyada badan, ay la wadaageen guddiga, islamarkaana ay talooyinkaasi u arkaan kuma muhiima u ah shaqada guddiga, isagoo uga mahadceliyay siyaasiyiinta ra’yigooda ay ku biiriyeen.

 

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com