Qarax  Ka Dhacay Deeganka  Ceelasha Biyaha

October 22, 2019 (AO) – Wararka an ka heleyn degaanka ceelasha ayaa sheegaya in qarax khasaaro geystay halkaas ka dhacay .

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka Lafoole iyo ciidamo uu watay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa sheegtay inay la eegatay madaxa maaliyadda Lafoole, Iimaan Maxumad Cabdow iyo askar ilaalo u aheyd.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhaawac culus uu qaraxa ka soo gaaray mas’uulkaasi, iyo askartii la socotay sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Lafoole iyo kan Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi.

Kooxda  Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan oo u badan qaraxyo miino ka fulisa waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com