Al-Shabaab Oo Lagala Wareegay  Deegaan Cusub

October 23, 2019 (AO) – Saaka aroortii hore ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib Jubbaland ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi.

Al-Shabaab ku sugan duleedka deegaanka Jedacaley ayaa iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan iyo is uruursi ciidan.

Gobalka Jubbada Hoose waxa uu ka mid tahay deegaanada Jubbaland ee ay ku xoogan yihiin   Al-Shabaab.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com