Dhageyso :-Beelo Ku Dagaalamay Ceelbarde Oo La Heshiisiiyey  

October 23, 2019 (AO) –Nabaddoonada gobolka Bakool ayaa si-weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xuddur kuwaas oo mudo 4 bilood ah howlo nadabeyn ah ka waday gobolka Bakool qeybo kamid.

Waqtigooda ugu badan waxaa ay ku qaateen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool halkaas oo mar sii horeysay ku dagaalameen Beelo walaalo.

Maamulka magaalada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Odayaasha iyo Waxgaradka oo ku soo guuleystay howshii ay u baxeen.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com