Dhageyso :-MAXKAMADA SARE EE PUNTLAND OO DIIDAY IN DIB U EEGIS LAGU SAMEEYO  KIISKII CAAISHA

October 23, 2019 (AO) – Maxkamada sare ee dowladda Puntland, ayaa diiday dib u u eegis ay dalbadeen qareenadii difaacayay saddexdii nin ee dilka loogu xukumay kiiskii kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo shir jira’id saxaaafada u qabtay ayaa sheegay in maxkamada sare ay sheegtay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulindoono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay.

Ilyaas Aadan oo la hadlay saxaafada  ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada .

 

 

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com