October 23, 2019 (AO) – Cabdiraxaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta sanetarada Golaha Aqalka Sare waxa uu ka hor Akhriyay hindise sharciyeedka dakhliga guud ee qaranka oo ay soo meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad caadeestay in mar walba ay soomaaliya ku aydeeyaan in uu kajiro musuq maasuq waxa uuna tilmaamay in hada kadib cidii arintaasi samaysa ay la tiigsanayaan maxkamad .
Wasiir Beyle ayaa waxa uu sheegay in Guddoonka iyo sanetarada Aqalka sare uu ka dalbaday in ay dadajiyaan Akhrinta labaad iyo Sddexaad si uu Madaxwaynaha dhamaadka bishaan uu ansixiyo sharcigaan.
Warar Sugan Kala Soco awdinle.com