Dr. Abiy Ahmed ” Dalkeenu wuxuu leeyahay Malaayiin dhalinyarro ah oo dagaalami kara haddii Nabadda la waayo

October, 23, 2019 (AO)- Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa hortaga Baarlamaanka dalka Itoobiya waxaa wax laga weydiinayaa xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorashooyinka, nidaamka federaalka, arrima la xidhiidha siyaasadda iyo bulshada Itoobiya.

Wuxuu si hor dhac ah u sii sheegay Ra’iisal Wasaaruhu in dagaal xiligan lala galo dowladda Masar uusan wax faa’iido ah soo kordhin doonin. loona baahan yahay in arinka lagu dhameeyo wadahaal, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in mar walba muhiim tahay in la difaaco Qarranimada,, isaga oo sheegay haddiii laga fursan waayo dagaal in Itoobiya leedahay Malaayiin dhalinyarro ah oo dagaal diyaar u ah.

“Haddii laga fursan waayo in arinku dagaal noqdo, malaayiin dhalinyaro ah ayaa diyaar ah,  ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la hadlayay Baarlamaanka dalkiisa.

Wuxuu sheegay in arinka uusan taagneyn oo kaliya dhalinyarrada balse xitaa haddii loo baahdo isaga laftirkiisa uu diyaar u yahay in uu dagaalo dalkiisa” haddii ay arrintu tagto jiritaanka dalka iyo calanka, xataa aniga ayaa galayo dagaalka. Wax faa’iida ah lagama helayo, fikirka noocaasi ma aha mid wanaagsan, waxaa wanaagsan in la wada fariisto oo la wada hadlo.”

Masar ayaa walaac xooggan ka qabta mashruuca dowladda Itoobiya ay ku sameyneyso biyo xireenka Wabiga Niilka, madaama dadka reer Masar ay aad u tiirsan yihiin isticmaalka biyaha Wabiga.

Warar sugan kala soco awdinle.com