War Deg Deg ah: Xoghayaha Guud ee IGAD oo loo Magacaabay Nin Itoobiyaan ah

October 23, 2019 (AO) – war hada nasoo gaaray ayaa sheegey in Xoghayaha ee guud ee urur gobaleedka igad loo magacaabay Wasiirkii hore ee arimaha dibadda itoobiya Workneh Gebeyehu.

Magacaabidan ayaa ku timid dadaal diplomaasiyadeed ee uu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed Cali, ka dib markii uu olole dheer u galay arinta sidii uu ku gaari lahaa.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo la xaqoojiyey ogolaanshaha dowladaha xubnaha ka ah ururka IGAD ee bariga afrika dhamaantood uu uga dhaadhiciyey sidii itoobiya u noqon laheyd hogaanka IGAD.

Xilkan oo ah mid wareegto ah ayaa xiliga waxaa iska lahaa dalka soomaaliya, waxaa ay dowladsa soomaaliya u sharaxday xilkan xoghayaha guud ee IGAD wasiirkii hore ee arimaha dibadda Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar, hase ahaateen lama garanayo sababta dowladda soomaaliya ay u dayacdey xil ay xaq u laheyd oo misna wareegto, una siisey itoobiya.

Fadlan Wixii arintan kasoo kordha kala         soco awdinle.com