Israsaaseyn laga maqley gudaha magaaladda Dhuusamareeb ee Gal-mudug

October 24, 2019 (AO) – Warar hadda naga soo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayaan in halkaas Goordhow laga maqlay rasaas is weydaar ah

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb waxaa la sheegay inay  rasaas ku fureen Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlu-sunna Waljameeca iyo Guddigii Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Shaakir.

Sidoo kale Wararka ayaa intaas ku daraya in xiliga rasaasta lagu furaayay Xarunta Inji uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubno ka tirsan Guddigii uu u magacaabay Arrimaha Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha ka dhashay rasaastii Caawa Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku fureen Xarunta Inji ee ku taalla Magaalada Dhuusamareeb.