Magaaladda Dhuusamareeb oo Caawa ay ka jirto cabsi dagaal

October 24, 2019 (AO) – Caawa fiidnimadii 06:15pm ilaa wakhtigan 11:45pm ee saacada afrikada bari, waxaa ay dadka reer dhuusamareeb dareemeynaa cabsi iyo walwal tiro oo laga qabo inuu dagaal ka dhaco magaaladooda.

Arintan ayaa imaaneyaa ka dib markii Ciidanka Dowladsa Federaalka ah ay rasaas ku fureen qaar ka mid ah xaruumaha ururka Ahlu-sunna Waljamaaca ee ay ka degan yihiin magaaladda dhuusamareeb ee Caasimaadda Maamulka Gal-mudug.

Dadka ku nool dhuusamareeb  Waxaa ay indhahooda qabanayaan  dhaq-dhaqaaq Ciidan iyo abaabul guluf colaadeed oo aan horey loo arag caawa ka hor.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintan dib ayaan kasoo sheegi doonaa

Nagala soco awdinle.com