Soomaaliya oo 30 ka dib 1.7 Milyan oo doollar ka heshay Shirkaddo Shidaal

October 34, 2019 (AO) – Shirkadaha Shel iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib bilaabay bixinta Ijaarka Xirmooyinkaas ayaga oo bixiyay lacag dhan 1.7Milyan oo dollarĀ  Sidda uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.

Wasiirku waxaa uu sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya.

Habka Maamulka ka lacagtaan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraadka wadaaga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda ku kala saxiixdeen Magaalada Baydhabo Sanadkii tagay.