Xildhibaan u Dhintay dhaawac uu u geystay Gudoomiyaha Degmadda Warsheekh

October 24, 2019 (AO) – Allah u naxariistee waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh, kaasoo bishii hore ku dhaawacmay xabad uu si kama’ ah ugu dhuftay Guddoomiyaha degmada Warsheekh.

Falkan Dhaawaca loogu gaystey Xildhibaanka ayaa dhacay 19-kii Bishii September, xiligaasi oo uu ku soo dhaawacmay gudaha Magaalada xeebeedka Warsheekh.

Dhaawaca Xildhibaankan ka tirsanaa Golaha deegaanka Warsheekh ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka Keysaney ee duleedka degmada Kaaraan, hase ahaatee markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka Madiina.

Gudoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed (Darafey) ayaa la sheegay in si aan ula kac laheyn u toogtay saaxibkiis, xilli uu barayay sida loo rido bastooladaha iyo qaabka wax loogu shiisho iyo difaaca nafta.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Maamulka Degmadaasi Warsheekh oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Meydka Xildhibaanka Xasan Cali Xasan Allaha u naxariistee.