Daadad Kusoo rogmadey Degmadda Bardaale ee Gobalka Bay.

October 26, 2019 (AO) – Wararaka maanta laga helayo degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayana in daad ay kusoo rogmadeen Xaafado  katirsan degmadaas, iyaga oo saameyn ku yeeshay howlihii muhiimka ahaa ee Magaalada iyo isku socodka gaadiidka iyo weli dadweynaha reer bardaale.

Daadadkaas ayaa waxaa ay ka dhasheen Roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degmooyinka iyo tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay gaar ahaan deegaanka Goof-Gaduud Buureey.

Waxaa xiran inta badan Goobaha Ganacsiga ee degmada Bardaale, kadib markii ay  saameyn ku yeesheen daadadkaas, iyada oo dadka badi ku noolaa degmada Bardaale ay barakaceen.

Mas’uuliyin katirsan Maamulka degmada Bardaale ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan dadaalo ku aadan sidii Biyaha looga saari lahaa Magaalada,waxaana Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha gargaarka ay ugu baaqeen in dadka barakacay ay u gurmadaan.

Nagala soco awdinle.com