Howlgalo Ka Socda Wadada Muqdisho Iyo Balcad

October 25, 2019 (AO) –  Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka wadaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka howlgaladan ay tahay xaqiijinta nabad-gelyadda maadaama falal liddi ku ah amniga ay ka dhacaan.

Howlgaladda ayaa waxaa lagu baarayaa gaadiidka dadweynaha, kuwa xamuulka iyo waliba shacabka, sidda ay xaqiijiyeen wararka.

Al-Shabaab ayaa horey dhowr jeer waxay ciidamadda dowladda iyo kolanyo ay la socdaan mas’uuliyiin waxay ku beegsatay jidkaas.