Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo joojisay Qaabilaada Xildhibaanada iyo Wasiirada

October 25, 2019 (AO) – Xogag sir ah oo ay heshey Awdinle Online ayaa xaqiijineysa in safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho laga joojiyay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyadoo la wargeliyey madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Warbixintan xasaasiga ah ee aan helnay ayaa sheegaysa in safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz uu warqad cabasho ah uu u qoray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xafiiska madaxweynaha.

Cabashada safaaradda ayaa aheyd mid ku saleysan in mas’uuliyiintaan ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ay safaaradda u soo doontaan fududeenta dal-ku-galka Turkiga (Visa), waxayna u qaataan si joogto ah.

Xildhibaanada qaar ayaaa ugu yaraan midkiiba qaatat 34 Visa ama dalku gal iyagoo isticmaalaya magaca labada aqal ee Baarlamaanka iyo xukuumadda,  safaaradda dacwada ay gudbisey ku sheegtey in Mas’uuliyiinta Qaarkood visa u qaadeen si xad dhaaf ah, iyagoo ku sheegey xaasaskooda oo 4 qof oo dumar oo ah tirada qofka muslimka ah loo ogol yahay in uu guurasdo sida ay sheegtay safaaradda Turkiga.

“In kabadan 8 jeer ayey qaarkood noo keeneen hablo ay ku sheegeyaan xaas, midba mar ayey noo keeneen waxaan u sheegnay in aysan qabi karin intaan oo aysan diintu ogoleen” ayuu yiri safiirka Turkiga ee Muqdisho.

“Mid kamid ah markaa weydiino magaca qofkii ugu horeeyay ama labaad oo dhameestiran ma yaqaano waxaa  badan haween ay saaxiibo la yihiin xataa ma ahan qaraabadooda” ayuu yiri Safiirka.

Awdinle Online waxay ka gaabsaneysaa baahinta magacyada masuuliyiintaan oo qaarkood xilal sare ka haayo xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya waxaase xogta aan helnay ay sheegeysaa in hadda aysan sidii hore aheyn dhibaatadii ay qabeen Safaaradda Turkey.

Arintaan ayaa sababtay in gudaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho laga joojiyay ka bixinta Visaha Turkiga waxaana qandaraaska fisaha la siiyay shirkad gaar ah, ayada oo laga raray gudaha safaaradda Turkiga mudo ka hor, maadaama aan safaaradda laga joojin karin xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee usocda safiirka Turkiga ee Muqdisho.

“Fiiro gaar ah: Awdinle Online waxay diyaar u tahay hadii loo baahado magacyadda Mas’uuliyinta in ay soo bandhigto”