Ciidanka Amniga oo Miino ku qarxay Degmadda Xamarweyne

October 26, 2019 (AO) – Sidaa aad la socotaanba  Waxaa Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2 ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa Miino  dhulka lagu aasay meel ku dhow Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2 ee degmada xamarweyne waxaana qarxiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Sida la sheegey ka hor inta aan la qarxin qaraxa ayaa waxaa dhammaan dhismayaashii ku yaala halkaas laga saaray dadkii ku jiray, waxaana Ciidanka ay xireen Wadooyinka soo galaya iyo kuwa kabaxa agagaarka Hotelka Maa’ida.

Si kastaba ha ahaatee xaalada goobta Ciidanka ay ku qarxiyeen Miinada ayaa si caadi ah ku soo laabatay, ka dib markii si nabad ah loogu guuleystey howlgalka.