Dhageyso:- Madaxweynaha Puntland Oo La Waydiiyay Su’aal aad u adag

October 26, 2019 (AO) –Saciid Cabdullaahi Deni  Madaxweynaha Puntland ayaa si Caro leh uga baxay xarunta baarlamaanka maamulka Puntland ka dib markii uu buuq ka dhashay Su’aal uu weydiiyay Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanno ayaa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ugu baaqay in ay is casilaan iyaga oo sheegay in ay fashilmeen.

Madaxweyne Deni oo isaga oo xanaaqsan xildhibaannada u jawaabay ayaa isla markiiba ka baxay golaha isaga oo xanaaqsan.

Madaxweyne Deni ayaa yiri” xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidada layga soo qunuuday” (Habaaray)”

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hor taagan horumarka Puntland oo Xildhibaankaasi uu ka mid yahay, isagoo sheegay in xildhibaanka laga rabo Cadeymo.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com