Dhageyso :-Mamulka Gobalka Bay Iyo Masuuliyinta Wazaradda Gargaarka Konfur Galbed Oo Baaq U Diray Dowlada Dhexe

October 26, 2019 (AO) – Manta waxa shir ja raid ku qabtay magalada baydhabo ee xarunta gobalka bay mamulka gobalka bay iyo masuuliyinta  wazaradda gargarka dowlad gobloedka konfur galbeed somaliya

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii qaylo dhan loogu samayn lahaa dadka ku nool degmada berdaalada oo ku soo fatahay dad xooq badan .

Shirka waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa gadoomiyaha mamulka degmada berdaala

 

Gadoomiyaha degmada berdaala ee gobalka bay maxamed isxaaq caracase ayaa sheegayn in suuliyadii iyo biyihii isku darsameen taasna ay sababtay in dadka ay barakacaan wuxuuna baaq u diraya dowlada dhexe iyo dowlad goboleedka konfur galbed somaliya .

 

Dhanka kale wasiir ku xigeenak wazaaradda gargaarka iyo maaraynta masiiboyinka dowlad goboleedka konfur galbed cabdulqaadir sheikh cali Baraka  ayaas sheegayn in magalada ku soo bateen kaneeco badan wuxuuna fariin u diraya wazaarada caafimadka dowlada dhexe iyo hay adaha ka shaqeeya arimaha caafimadka .

 

Daadad ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da’ay degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sababay burbur hantiyeed oo isugu jira guryo iyo goobihii ganacasiga ee degmadaasi.

 

Dadka ayaa gabi ahaanba ka guuray gudaha degmada, maadaama deegaanka  oo dhan ay qarariyeen biyo, isla markaana ay awoodi waayeen in ay sii joogaan guryahooda dhanka kale ceelashii biyaha iyo musqulihii la isticmaalayay  ayaa dhamaantood darsamay. taas oo dadka deegaanka walwel ku abuurtay,lagana cabsi qabo in ay ka dhalato xaalad caafimaad xumo.

 

Goobaha ganacsi ee dhibaatada xoogga leh soo gaartay waxaa ka mid ah dukaamadii raashinka iyo Badaacadihii  dharka, waxaana gabi ahaanba qaaday daadadka,dakuna waxay xilligaan ay ku jiraan xaalado ka duwan midii hore.

 

Dadka ka qaxay  degmada Berdaale ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo shiidi macalin yaroow oo ku yaal duleedka koonfureed ee magaalada, ,waxaana saacadaha soo socoda laga cabsi qabaa in daadadku gaaraan,marka la qiyaaso xawliga iyo Xoogga ay ku socodaan goobaha ay dadku miciinka bideen.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com