Dowladda iyo Ahlusunna Oo Heshiisyo Horle Gaaray

October 26, 2019 (AO) – Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in natiijo hordhac ah laga Gaarey wadahadalo u Socdey Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Madaxda Ahlusunna oo looga Arinsanayay Xasiloonida Magaalada Dhuusamareeb iyo xal u Helida Tabashada Dhanka siyaasada ee Ahlusunna.

Masuuliyiin ka tirsan labada dhinac ee isku haya Dhisamaha Maamulka Galmudug ayaa Mustaqbal u sheegay in wada hadalo aan toos ahay oo looga hadlay amaanka Dhuusamareeb,lagu balamay in la hakiyo dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee Saacadihii la soo dhaafay laga dareemay deegaanada Maamulka Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku wada hadlay Khadka taleefanka sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Magaaladda Dhuusamareeb.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa dhankooda soo jeediyay Sadax qodob oo sheegeen in ay doonayaan in Dowlada Soomaaliya wax ka qabata sida Mustaqbal Xogta ku heshay.

1 in Ciidamada Dowlada kuwooda milariga laga saaro Guddaha Magaalada Dhuusamareeb lana geeyo banaanka Magaaladda.

2 in Dowladu Ogolaato Tiradii Baarlamaanka ee Ahlusunna soo xulayso ku waas oo gaaraya 35 Xildhibaan iyo in Gudigga Doorashooyinka Dib loo soo wada Dhiso.

3_ iyo in Ciidamada muqdisho ka tagay Dib loo Celiyo oo Amaanka loo Dhiibo Nabadsugida iyo Booliska la isku dhafay ee ku sugan Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay hoggaanka Ahlusunna in uu tagayo Magaalada Dhuusamareeb isla markaasna ay ka wada hadlayaan Tabarashada ay Qabaan.

Dhankale kale Siyaasiga Cali Cabdi Wardheere {Cali yare Cali} oo ka mid ah Xubnaha Dowlada Soomaaliya u Xilsaartay arimaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku guulaysteen dadaalo ay ku bixiyeen in Xal laga gaaro Xaaladda Siyaasadeed ee Maamulka Galmudug.

“Waan-waan iyo wada hadal dheer oo aan wadnay 48 saac la soo dhaafay , Rabbi wuxuu nugu guuleeyay inaan dajino xasaradii ka taagneyd Dhuusamareeb.

Galmudug dagaal uma rabno, mana jirto cid aan ka aqbaleyno in xabad ka rido iyo inuu damiyo iftiinka yar ee daarmay. Qancinta culimada Ahlusunah waa waajib biyo-kama dhibcaan aan gorgortan la gallin Karin” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah duubabka dhaqanka Galmudug ayaa dhankiisa la Kulmey Sheekh Shaakir  Madaxa Xukumada Galmudug iyo Wasiirka Arimaha Guddaha  Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye isagoo kala hadley ilaalinta Nabadgalyada iyo Xasiloonida deegaanada Maamulka Galmudug.

Arintaa ayaa imaanay iyada oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Dhuusamareeb ay ansixiyeen Gudiga uu Magacaabay Madaxa Xukumada Galmudug ku waas oo ka koobay 11 Xubnood.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda Ciidamo maanta Gaysay Magaalada Dhuusamareeb ku waas fariisimo ka samaystay Xumaha ay ku suganyihiin Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya iyo Xarumada loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Doorashooyinka Galmudug.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com