Fatahaadaha Webiga Shabeele oo kusii baahaya Beledweyn iyo Hareeraheeda

October 26, 2019 (AO) – Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyn ayaa sheegey in 24kii Saac ee la soo dhaafay uu wabiga Shabeele sameynayey fatahaado hor leh, waxaa si xoog leh looga qaxayaa xaafado ka tirsan Beledweyne, waxaana kumanaanka qoys oo barakacayaal ah ay gaareen deegaanka Ceel Gaal.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in durbadiiba dadka barakacay ay soo food saartey xaalad nololeed xumo iyo caafimaad daro oo baaxad leh.

Maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-shabeele ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in aysan u soo jeedin wax ka qabashada dhibaatada bani’aadimo ee uu geystay fatahaadaha wabiga Shabeele.

Halka ay ku mashquulsan arrimaha siyaasadda iyo hurinta colaadaha gobaladda dalka, ma jiro wax baaq ah oo ay dowladdu u jeedisey hay’addaha gargaarka ama gudi ay u xilsaartay arinta fatahaada webiga shabeele.

Warar sugan kala soco awdinle.com