Dhageyso :-Kheyre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Wabiga

October 26, 2019 (AO) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Guddiga uu Ra’isalwasaaru magacaabay ayaa waxaa ay kala yihiin;

Wasiirka Gargaarka Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka Guddoomiye

Fawsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Xubin

Maxamed Abuukar Islaw Ducaale Wasiirka Amniga Xubin

Fowsiya Maxamed Sheekh Wasiirka  korontada iyo Biyaha Xubin

Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Xubin

Cabdullahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Xubin

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Xubin

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Xubin

Isaaq Maxamed Maxamuud ku xigeenka Wasaaradda arrimah gudaha Xubin

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com