Maamulka Cusub Ee Degmada Baydhabo Oo Kulan La Qaatay Gadoomiyaasha Xafadaha:- (Sawiro)

October 26, 2019 (AO) –  Kulankan oo Looga Wadatashiga Amniga Iyo Soo Dhoweynta Maamulka Cusub Ee Degmada Baydhabo ayaa Waxaa Ka qeybgaley Munaasabada Gadomiye ku xigeenka maamulka Iyo Maaliyada Degmada, Gadoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Dhamaan Gadomiyaasha Xafadaha Magaalada Baydhabo iyo Ku Xigeenadooda,

Gadoomiyaha Uururka Xaweenka Degmada Baydhabo Marwo Xaawo Sokor Cali ayaa tilmaantey in xaweenka Koonfur galbeed Somaliya ay marwelba utaagan yihiin Horumarka iyo Dub usoo celinta Bilicda Magaaladda Baydhabo.

Gadoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Baydhabo Mudane Cabduqaadir cali Xasan oo kulanka ka hadley ayaa waxaa uu ku dheeraadey Muhiimada Ay leedahay in Gadoomiyaasha Xafadaha Magaalada Kulan uqabtaan Maamulka degmada baydhabo.

Gadomiye ku xigeenka maamulka Iyo Maaliyada Degmada Baydhabo Dr Yusuf bare ayaa Gadoomiyaha Xafadaha Usharaxey Qaabkii ay ushaqeyn lahaayeen Waxaana uu sheegey In Degmada ay ubaahan Tahay Hormar Dhinac Welba ah waxaana uu Dhiiragelin usoo jeediyey Dhalanyarada Xaweenka Degmada Baydhabo Kuwaas oo Marwelba utaagan Hormarka Degmada asgoona Tilmaamey In Maamulka degmada baydhabo ay bilaabi doonaan Tartamo Kala Duwan sida Nadaafada Xaafada Degmada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Teliyaha Saldhiga Ciidanka poliska Degmada Baydhabo Ayaa bulshada kula dardaaramey in ay La shaqeyaan laamaha Amniga waxaana uu tilmaamey in poliska Degmada Baydhabo ay diyaar uyihiin In ay la shaqeyaan Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com