Maamulka Gobolka Nugaal iyo Wax-garadka Garoowe ayaa digniin adag u diray Wakiiladda Puntland

October 26, 2019 (AO) – Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Maamulka gobolka Nugaal iyo Waxgaradka Magaalada Garowe ayay ku sheegeen in xildhibaanadii maanta Su’aalaha weydiiyay Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ee buuqa abuuray ay wadeen kicinta dadweyne reer Puntland.

Mas’uuliyiinta iyo Wax-garadk Magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan aqbali doonin Xiisad Siyaasadeed oo meelo kale laga soo abaabulay in laga dhex abuuro degaanada maamulka Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in xildhibaanadii shirka ku qabtay banaanka baarlamaanka ay wadeen kicin dadweyne iyo falal kasoo horjeeda ammaanka, isagoo sheegay in aan cidna khal-khalgalin ka sameyn karin Garoowe.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu hareermaray Dastuurka, islamarkaana loo baahan yahay in uu xilka isaga tago.

Su’aal uu xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland weydiiyay Madaxweyne Deni ayaa sababtay in Madaxweynaha uu iskaga baxo kulankii baarlamaanka.