Sawiro: Guddiga Doorashooyinka Galmudug Garabka Sheekh Shaakir o Doortay Gudoon

October 26, 2019 (AO) – Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa doortay Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Xoghaye, waxaana loo doortay Guddoomiywha Yaasiin Sheikh Muxumed, Kuxigeen waxaa loo doortay Maxamed Yaxye Faarax, halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Muxiyaddiin Suni.

Guddigan uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa maanta waxaa ansixiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug Qeybta Ahlusuna ku leedahay.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay iyana Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iska dhex doorteen.

Dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo mida ciidan ee ka jirta Dhuusamareeb iyo kulamada labada dhinac ee ay yeelanayaan ayaa loo arkaa Minddi Minddi ku taag.

Wixii warar kala soco awdinle.com