Ururka ONLF oo Sheegey in ay ka tanaasuleynaa magaca Ogaden haddii maslaxad loo arko

October, 26, 2019 (AO) – sida lagu soo soo waramayo Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan uusan aheyn mid qabiil kaliya u daneynaya ama u adeegaya, isaga oo intaa ku daray in magaca Ogaden ka tanaasulayaan haddii maslaxad loo arko.

Gudoomiyaha oo khudbad u jeedinayay Odayaal iyo Wax-garad ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayuu ka dalbaday in ay keenaan magac kasta oo ay u arkaan in uu ka wanaagsan yahay kan hadda ee ”ONLF”

”Annaga dan gaar ah iyo ujeedo gaar ah oo aan ka leenahay magacan ONLF ama ”Ogaden” ma jiro, dagaalka aan ku jirno waa in la helo xuquuqda ay Umadda deegaanka leedahay ee qabiil gaar ah iyo qolo gaar ah oo aan u adeegeyno ma jirto, Odayaashii ayaad tihiin adinka ayaa leydin kara-baa in aad keentaan magac kan dhaama haddii uu jiro oo aad heysaan, sidaa in aad noo fahantaan ayaan rabnaa” ayuu yiri Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Aragtida Soomaalida Magaca ONLF ayeey dad badani u arkaan in uu yahay mid u taagan qabiil gaar ah inkastoo mas’uuliyiinta sar sare ee Ururka sheegeen in uu yahay mid u taaggan xoreynta iyo in ay xuquuqdooda hellaan dadka ku dhaqan deegaanka Ismaamulka Soomaalida.

Ururkan ayaa horay heshiis xabad joojin ah ula saxiixday dowladda Itoobiya oo muddo dheer ay dagaal kula jireen iyaga sheegay in halgankooda u badalay mid nabaddeed.

Warar sugan kala soco awdinle.com