Xildhibaan Maxamed Ganey: Farmaajo Labo Qof ayuu ahaa!

0
3

October 25, 2019 (AO) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiriis Oo loo yaqaano Maxamed Ganey ayaa soo bandhigey Sawir Hore oo ay kuwada jiraan Madaxweynaha hada talada haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Isaga.

Xildhibaanka ayaa yrir ” waxay aheyd August 06, 2016 run ahaantii qoraalkaasi kuma aanan Soo koobin qalbi furnaantii iyo guud ahaanba wanaaga iiga dhex muuqdey Farmaajaha Labada gacmood igu salaamaayey Maalinkaas ee aan wada sheekeysaney! Oo Anigoo weliba uga gaabsanaayey inaan u ekaanin qoraal asaga olole siyaasadeed ugu sameeynaayo aan hadalkeeyga Soo koobey.

Kadib markii aan daawadey Video-clip Prof: Max’ed Xaaji Ingiriis uu ku texliilinaayo Farmaajaha 1aad ee aan Aniga maalintaas la sheekeeysanaayey iyo Farmaajaha 2aad ee hada kujira Villa Somalia, waxaan 100% Ku raacsanahay Prof: Max’ed Xaaji doodiisa ah In Labadaan Farmaajo hadii maanta iska Soo horbaxaan mid laga takhalusaayo, Ayna u badan tahay in kan 1aad uu noqonaayo dhibinaha!.”