Xildhibaano kasoo horjeedda Guddiga ay Magacowday dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb

October 26, 2019 (AO) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegey in Xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga doorto degaanada maamulka Galmudug  ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Wafdigana Xildhibaanada ah ayaa kasoo horjeeda Guddiga Wasaarada Arrimaha  Soomaaliya ay u Magacowday Farsamada iyo doorashada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada maanta ku wajahan Magaalada ayaa ah kuwo saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la aamisan yahay tagitaankooda Dhuusamareeb in uu waji cusub u yeeli doono Xaaladda maamulka Galmudug.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu-sunna ayaa waxaa soo gala dhex galay Khilaaf xooggan oo sababay in Galmudug ay yeelato labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Ahlusunna.