Ambassador James Swan oo baaq u diray Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada

October 27, 2019 (AO) – Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan oo Maanta tegay Magaaladda Garoowe ayaa waxaa uu Madaxweynaha Puntland kala hadlay sidii xal waara looga gaarai lahaa khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Swan Waxaa uu sheegay in wada-shaqeynta dowladda & Dowlad goboleedyada ay horseedi karto in la helo nabad iyo amni waara taasina looga baahan yahay in la hirgeliyo.

Ugu dambeyn Amb,  James Swan ayaa ugu baqay  dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada in ay soo celiyaan wada-shaqeyntii dhexdooda, isla markaana la xalliyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.