Donald Trump: Waxaan Dilnay Abuu Bakar Al Baqdaadi

October 27, 2019 (AO) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawl gal ka dhacay dalka Suuriya.

Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay.

Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama uu sheegay in la khaarijiyay “ninkii ugu cadowsanaa dunida”.

“Mareykanka wuxuu cadaalada marsiiyey hogaamiyihii ugu weyna argagixisada,” ayuu saxaafadda u sheegay Trump.

Trump ayaa ku adkeystay in askari ka tirsan Mareykanka uusan wax ku noqon howlgalka oo habeenimadii Sabtida ahayd ka dhacay magaaladda Idlib ee waqooyi barri Suuriya.

Warbaahinta Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in milatariga Mareykanka uu weerar ku qaaday Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Waxaa la sheegayaa in hawlgalka ay sameeyeen ciidamo gaar ka dib markii ay heleen xog muhiim oo tallaabo lagu qaadi karo, waxaa sidaasi soo weriyay warbaahinta Newsweek iyadoo soo xiganayso ilo wareedyo la xiriira hawlgalka.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com