Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo la kulmay Golaha Wasiirada Juba-land:- (Sawiro)

October 27, 2019 (AO) – Guddiga KMG ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay Golaha Wasiirada Ee Dowlad Goboleedka Juba-land.

 

Kulanka oo Kadhacay Guriga Martida ee Maagalada Kismaayo ayaa Golaha Wasiirada Ee Dowlad Goboleedka Juba-land looga dhageystay Aragtidooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga Gacanta Ku haayo.

 

Guddiga KMG ee Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa Muddooyinkan waday wada-tashiyo la xiriira Sharciga Doorashooyinka Qaranka.Waxa uu Booqday Guddiga Dhamaan Dowlad Goboleedyada Dalka ka Jira.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com