Madaxweyna Laftigareen oo Magacaabay Guddiga fatahaadaha Koofur Galbeed

October 27, 2019 (AO) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa magacaabey Gudiga Fatahaadaha Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Magacaabay Guddi ka kooban 9 xubnood oo iskugu jira Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed iyo Gudoomiyal  Gobolka

Guddiga uu Madaxweynaha Lafta-gareen  magacaabay ayaa waxaa ay kala yihiin

 

1 Cabdinaasir caruush wasiirka wasaarada gargaarka maaraynta musiimooyinka

2 Maxamed abuukar cabdi wasiirka wasaarada arimha gudaha iyo dowladaha hoose

3 Ahmed madiibo nuunow wasiirka wasaarada qorshaynra iyo xiriirka caalamiga

4 Iiman cali cabdi wasiirka wasaarada tamar iyo kheyraadka biyaha

5 Maxamed cusmaan xaaji cabdow wasiirka wasaarada caafimadka

6 Mustaf ahmed iidow wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka

7 Cali wardheere dooyow gadoomiyaha  gobalka bay

8 Ibraahim cali aadan najax gadoomiyah gobalka shabeelaha hoose

9 Maxamed cabdi maxamed gadoomiyah gobalka bakool

 

Madaxweyna Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada konfur galbed somaliya

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com