Xoq :Maxay Tahay Sababta Loo Jirdilay Qaar Ka Tirsan Wariyaaasha Muqdisho

October 27, 2019 (AO) –Dhibaatada ay Saxaafaddu  waayahan u nugleyd aaya u muuqata mid sii kordheysa.

Maantana Saddex weriye oo ka tirsan xarunta Kulmiye iyo labo kale oo ka kala tirsan  Universal iyo Goobjoog ayaa loo geystay jirdil, lagana qaaday xoriyaddoodii xilli ay ku guda jireen shaqada ay bulshada u hayaan ee tabinta shar iyo kheyr hadba wixii dhaca , waxaaa falkaasi geystay askar ka tirsan Booliska Soomaaliya .

Farxan Maxamed Xuseen, Yoonis Duraan Cali  iyo Yaxye Xaaji Colaad oo KNN ka tirsan ayaa  saaka waxa ay u baxeen si ay usoo tabiyaan wararka ka jra magaalada oo ay ugu horeyay dibad bax ka socda wadada ugu mashquulka badan Muqdisho ee KM4 .

Halka Cali Aadan oo Goob Joog ka tirsan  iyo Axmed Cali oo isna ka tirsan Universal ay qeyb ka ahaayeen saxafiyiinta tacadiga maanta loo geystay.

Markii ay warfidiyeenada gaareen halka ay u shaqo tageen ayaa si aan sharci ahayn loo lagu xad gudbay  iyaga oo loo gacan qaaday , qalabkoodi la bur buriyay qeyb kamid ah, intas kadibna xoriyadda laga qaday oo lagu xiray saldhigga Booliska degmada Howladaag ee gobolka Banaadir oo taliyaha saldhiggaasi la sheegay in uu bixiyay amarka lagu xiray.

Agaasimaha radio Kulmiye Burhaan Diini Faraxan ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay sida ay jirdilka , qalab bur bruinta iyo xariga loo gaystay weriyeyaasha Kulmiye.

Ma noqoneyso markii ugu horeysay ee weriyeyaasha Kulmiye iyo kuwa kale ee Muqdisho ka howlagala dhibkan oo kale ay la kulmaan , waa kuwa dhibka ugu badan la kulma una shaqeeya shacabka , waxa sida gaarka ah u damaqinaya ayaa ah in ka sokow kooxaha lagu ogaa dilalka iyo caburtinta Saxaafadda ay maanta Booliska Soomaaliyeed hagar daamo kala kulmayaan.

Cabdlla Axmed  Muumin waa xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Soomaaiyeed ee SJS , wuxu sharci daro ku tilmamay xarigga noocan oo kale ah.

Waxay ay tabiyaan dhibaatada shacabka , fariinta dawlanimo ayay bulshada gaarasiiyaan weriyeyaasha , waxay u shaqeeyan dhammaan dhincayada siyaasada Soomaliya waana kuwa isku geeya oo doodsiiya si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo hormarka dalka uu gaaro, balse dhibaatooyinkii shaqo ee heysatay ayaa waayahayan lagu kordhiyay in la cabsi geli , la jirdilo , lana xiro ,

waxaana su’aasha madaxda dalka, hey’adaha garsoorka iyo  sharci dajinta su’asha dul hoganeysa tahay ilaa iyo goorma ayaa awoodda dawladnimo lagu dhibaateyn doonaa Saxafaadda Soomaaliya!

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com