Dalxisyaal ka kala socday  dalalka Germany iyo Australia oo soo gaaray Magaalada Baydhabo:- (Sawiro)

October 28, 2019 (AO) – Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay dalxiiseyaal caalami ah oo ka kala socda dalalka Germany iyo australia

Dalxiiseyaashan ayaa waxaa magaalada Baydhowa kusoo dhoweeyay qaar katirsan golaha wasiirada DGKS oo ay kamid yihiin;

Wasiirka Garsoorka & Cadaalada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, dhirta & daaqa, Wasiir kuxigeenka warfaafinta, wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka DGKS.

 

Soo dhoweyn kadib waxaa loo galbiyey guriga madaxtooyada halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha wakiilada DGKS mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Dalxiiseyaasha ayaa ka mahadceliyey sida sharafta leh loogu soo dhoweeyey dowlad goboleedka koonfur galbeed iyagoona sheegay inay maalmo joogi doonaan degmada Baydhowa si ay ugu soo dalxiisaan goobaha quruxda badan ee magaaladu leedahay.

 

Dalxiiseyaashan aya sheegay in magaaladu ay tahay magaalooyinka ugu quruxda badan wadanka Soomaaliya.

 

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com