Golaha Amaanka Qaramadda Midoobey oo u Goodisey Dowladda Soomaaliya

October 28, 2019 (AO) – Wararka ka imaanaya Xaruunta Qaramadda Midoobey ee Magaaladda New York ayaa sheegey in Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey ay yeesheen looga hadley in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si toos ah isaga diidey in ay la sheqeyso Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Qaramadda Midoobey, sidaas darteed loo baahan yahay in talaabo laga qaado Dowladda Soomaaliya.

Golaha Amaanka ayaa Soomaaliya ugu goodiyey in laga fiirsan doono dhaqaalaha faraha badan ee Beesha calaamka siiso Dowladda Soomaaliya, haddii aanay la shaqeyn Guddiga Khubarada ah Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya.

Dalalka Maraykanka, Germany, Ingiriiska, Sweden, Italy, Finland iyo France ayaa waxay ugu baaqeen Madaxda Soomaaliya in la shaqeeyaan Guddiga loo xilsaarey Cunaqabateynt una ogolaadaan in ay Soomaaliya tagaan oo howlahooda qabsadaan waxaana ay tilmamaay in aysan madaxda soomaaliya ka aqbalayn in ay u soo diraan amaro iyo shuruudo cusub oo ay warqad ku soo qoreen oo aaney waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah.

Warar sugan kala soco awdinle.comĀ