Gurmadka Beledweyne Oo Ka Qeyb Qaadanaysa Jabuuti

October 28, 2019 (AO) – Howlgalka Amisom ee ku sugan gobolka hiiraan ayaa sheegay in diyaaradaha Qumaatiga u kaca ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka ka socda Magaalada Baladweyne xilli ay sii kordheyso Fatahaadda uu sameynayo  Webiga Shabeelle.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii qosas badan ay ka barakaceen xaafadaha ku yaala magaalada Beledweyne, iyagoona gaaray deegaanka Ceel Jaalle, maadaama halkaasi nolol aad u xun ay ku haysato.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka soconaya sidii loo gurman lahaa dadka uu sameeynta u yeeshay fatahaada webiga shabeelle.

Gurmadka ciidamada Jabuuti ayaa imaanaya xili maanta dooni la gaddoontay masuuliyiin ay ka mid aheyd duqa Baladweyne iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax, kuwaasi oo hada la soo badbaadiyay, iyadoona weli toboneeyo kale weli la’yahay.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com